Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si kulul uga hadaly ciidamada gadoodsan ee milateriga Soomaaliya ee sheegay inaan la siin mushaarkoodii muddo dhowr bilood ah.
Wasiir Maareeye ayaa ku eedeeyay inay gacmo qaran dumis ah sida uu yiri ku jiraan ciidamada oo diidan in la tiro koobo ciidamada, wuxuuna ku dooday inay jiraan ciidamo laba mushaar qaata oo ka hoteelada iyo Hay’addaha kale ee dowladda.
Wasiirkan Ganacsiga oo aanay quseyn arrinta ciidamada ayaa difaacayey wasiirka Maaliyadda oo uu kasoo xigtay in ciidamada ay qaateen mushaarkooda, wuxuuna u hanjabay Saraakiil ciidan iyo Warbaahinta uu sheegay inay buunbuuniyaan arimaha ciidamada gadoodka sameeyay .
HOOS KA DAAWO