Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa soo rogay shatiyo laga doonayo inay qaataan Ganacsiyo uu sheegay inaysan heysan wax shatiyo ah, isagoo sheegay hay’ado ganacsi oo waaweyn aanay lahayn shatiyo.Wasiirka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheega in ganacsato ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay si sharci darro ah dalka uga ganacsadaan, waxaana ka mida: Shirkadaha Diyaaradaha, Isbitaallada, Jaamacadaha, Dalladaha waxbarashada, Qareenada, Nootaayooyinka iyo qaar kale.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA