Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi (Maareeye) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan socdaalkii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Beledweyne, waxaana war-saxaafadeedkiisa ka muuqday inuu ku saxayo wararkii ka soo yeeray oo si weyn uga careysiiyay qaar ka mida odayaasha reer Hiiraan.
Wasiir Maareeye ayaa VOA iyo BBC-da ka sheegay heshiis been abuur ah sida ay ku eedeeyeen odayaasha dhaqanka, waxaana kasoo yeeray haddallo reer Hiiraan uu wax ugu dhimay, taasoo keentay in odayaasha qaarkood ay jawaab cad ka bixiyaan.
Wasiir Maareeye ayaa wixii dhacay dusha u saaray inay mas’uul ka ahayd saxaafadda oo si xun u tarjuntay warkiisa, inkastoo wararkii uu sheegay ay ahaayeen kuwo duuban oo cadcad una baaheyn in la tarjumo.
HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA WASIIR MAAREEYE