Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa farriin uu ku soo beegay maalinta 2-da Novembar oo la xuso ciribtirka xadgudubyada loo geysto saxafiyiinta ee aan waxba laga qaban ka sheegay in dowladda Somalia ay balanqaadeyso sidii loo cirib tiri lahaa xadgudubyada sharci darrada ah ee loo geysan karo weriyeyaasha shaqadooda wata.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan weriyeyaashii ku geeriyooday, iyagoo shaqo dalkan wax u ah oo aan iyaduna sharciga ku xadgudbeynin ku dhintay iyo heledooda iyo caruurtoodii; intii dhimatay waxaan leenahay Allaha u naxariisto, kintii ku dhaawacantayna allaha caafiyo.. waxaan balanqaadeynaa dowlad ahaan inaan cirib tirno xadgudubka sharci darrada ah ee loo geysan karo weriye shaqadiisa heysta..” ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Hadalka wasiirka ayaa waxaa ka muuqday inay jiraan weriyeyaal ku dhintay iyadoo wada howlo sharci darro ah ama loogu xadgudbay howlo aan dalka u fiicneyn.