Aniga waxay ila tahay Soomaaliya Amnigeeda inaan lagu sugi karin lacag la bixiyo ee waxaan u baahanahay ISTAATIIJIYAD QARAN OO LEH MUG DHAQAALE, MUG CIIDAN IYO MUG ABAABUL BULSHADEED. Sababaha soo Socda:
Sababta 1aad: Kaba soo qaad bishii inla soo sheego TOBAN QARAX. Qarashka ku baxaya waxa uu noqonayaa hal million dollar. Qarashkaasna kama go’i karo Miisaaniyada Dowlada oo ku tiirsan oo kaliya lacagaha kasoo xarooda Dekada iyo Airport Magaalada Mogadishu iyo deeqaha laga sugayo Dowladaha Ajnabiga ah oo iyadana ku xiran shuruudo adag, ayna adagtahay inla fuliyo.!!!
Sababta 2aad: Waxaa jiri kara Hay’ado iyo shaqsiyaad ka ganacsada qaraxyada been abuurka ah ee marar badan la sheego inla qabtay. Marka waxay dhiiragelin u noqon kartaa SUUQA MADOW EE KA GANACSIGA QARAXYADA.!!!
Sababta 3aad: qarashkaas la bixinayo waxay kooxaha Nabad Diidka ah u isticmaali karaan maalin gelinta Qaraxyadooda. Tusaale ahaan:
Baabuurta qaraxyada ay u isticmaalaan kooxaha Nabad Diidka ah qiimo ahaan waxay u dhaxeeyaan $5,000 ilaa $15,000 dollar. Marka waxaa suuragal ah inta soo sheegaan hal gaari inla siiyo lacagtii ay ku meel gelin lahaayeen 10 gaari oo kale.!!!
Sidaas daraadeed waxaan qabaa la dagaalanka Kooxaha Nabad Diidka inay u baahantahay ISTARAATIIJIYAD KA BALAARAN LACAG LA BIXIYO.!
WQ: Mahad Maxamed Salaad
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka