Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»WASIIR ODOWAA MA XIL KALAA KA MAQNAA.?! (FAALLO)

    WASIIR ODOWAA MA XIL KALAA KA MAQNAA.?! (FAALLO)

    November 9, 2015Updated:November 10, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta xil labaad oo culus loo dhaariyay Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waana wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo ka mida wasaaradaha ugu mashquulka badan ee xukuumadda oo howlaha ugu waaweyn ee dalka ay hoos tagaan.

    Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo siyaasadda dalka dhowaangal ku ah, isla markaana kasoo wareegay dhinaca waxbarashada oo uu hormuud ka ahaa jaamadda SIMAD, wuxuu shaqo dowladeed ka bilaabay wasiir, jagadaas oo dad badan u arkeen intii uu xilka hayay inuu karti muujiyay oo wax badan ka fiican yahay saaxiibadiis golaha wasiirada kula jira.

    Sidaasoo ay tahay waxaa al ogyahay in Wasaaradda uu wasiirka ka yahay ay tahay wasaarad weyn oo shaqooyin badan hor yaallaan isla markaana ay aad ugu adag tahay inuu kasoo dhalaalo, haddana wuxuu wasiirku dadaal u galay oo ku darsaday jago cusub oo xildhibaannimo.

    Waxaa cad in wasiir Odowaa aanu waqti u heyn xilkan cusub ee kursiga Baarlamaanka, waxaa kaloo marag ma-doonto ah inuu ka maqnaan doono fadhiyada Baarlamaanka shaqooyinka u yaalla dartood, waxaan kaloo shaki ku jirin inay jireen dad fara badan oo uga fiican inay buuxiyaan kursiga baarlamaanka, laakiin aan is weydiinee maxaa Wasiir Odowaa ku kalifay inuu ku fariisto kursigii baarlamaan ee Beeshiisa isagoo haysta kursigii wasiirnimo ee tolkiisa.?

    Waa su’aal uu jawaabteeda isaga oo kaliya ogyahay, laakiin haddaan isku dayno inaan jilcino waxay noqon kartaa:

    1. Hunguri weynida siyaasiga Soomaaliyeed ee xilligan oo aan xilalka dowladnimo ka dhergin
    2. Inuu kula tartamayo wasiirada kale ee Baarlamaanka ku jira, ama kursigan oo lagu handadi jiray
    3. Jagada wasiirnimo oo aan la isku hubin
    4. iyo Inay tahay qorshe uu wato madaxweynaha oo la eegayo kadib 2016.

    Waxay u muuqataa in xilalka dowladda ay noqdeen yool gaaristiisa wax waliba lagu bixiyo oo mararka qaarkood la isku shirqooli karo, qofkii laga disho ama xilka ka dhintana ay sugayaan qolo aakhiro moog ah oo u taagan inay kursigii dhiigiisu qoynaa ku fariistaan..!! ogoobey taasina loolama jeedo in umad wxa loogu qabtee waa dano shaqsiyeed ku soo ururaya magac iyo maal raadis kaliya.

    Faallooyinka Wadani.com

    Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Xildhiban Dhooba-Daareed: “Nin iyo dowlad ayaa tartamay…”
    Next Article Dowladda Somaliya amartay in la xiro 35 Website (Akhriso Liiska website-yada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo