Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya c/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa su’aal la keenay awoodo uu kororsaday Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Wasiirka oo weerar sharci ah oo dadban ku qaaday ku qaaday xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay su’aal ah inuu Aqalka sare mooshin ay keeneen xildhibaannadiisa ku yeelan karo awoodo aan ka mid ahayn kuwa Dastuurku siinayo..?
“Aqalka Sare awoodo uusan ku dhex lahayn Dastuurka ma ku xayuubsan karaa Mooshin iyadadoon si sharci ah looga bedelin qodobka Dastuuriga ah ee la rabo in laga macaasho..” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka oo bartiisa FB ku naqdiyay arrimaha ay wadaan Aqalka sare.

Shalay ayay ahayd markii ay Aqalka sare awood isu siiyeen inay wax ka ansixiyaan Miisaaniyadda dowladda, iyagoo isku khilaafay inay kalsooni siinta xukuumadda iyo ridisteeda qeyb ka noqdaan iyo inkale.
Wadani
XOG: Aqalka Sare oo isku khilaafay inuu ka qeybgalo Mooshinnada Xukuumadda & Kalsooni siinta
Xildhibaannada Aqalka Sare oo ansaxsaday Qodob aan ka mid ahayn Shaqadooda [Akhriso]