Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay inay ka welwelaan dilalka khaarijinta ah ee loo geysto dadka rayidka ah.
Wuxuu sheegay in qorshe ammaanka Muqdisho loo djeiyay in looga hortago dilalka qorsheysan, ayna doonayaan inaan cidna lagu dilin magaalada oo kooxaha argagixisada la soo afjaro.
“Qorshaha la dejiyay waa inaan muddo saddex maalmood ah aanay magaaladan ka dhicin wax fal oo dil ah..” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in shacabka ay kala shaqeynayaan hay’addaha ammaanka sugidda nabadgelyada.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya wuxuu caddeeyay in qorshaha ammaanka magaalada Muqdisho uu dhowaan bilaaban doono.
Wadani.com