Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in wafdi uu hoggaaminayo oo hordhac u ah Ra’iisal wasaaraha ay gaareen magaalada New York.
“Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan…” ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Farriin uu soo diray wasiirka ayuu kaga sheegtay saacadaha badan ee safarka dheer min Muqdisho ilaa NewYork iyo inuu raacay Diyaarad qiime jaban oo keentay inaanu helin meel lugaha fidsado, jiif haba u danbeeyee.
Shirarkiisa ugu horeeya ayuu sheegay inuu bilaabanayo maanta oo Axad ah, isla markaana ay jiri doonaan shirar-doceedyo ay la yeelanayaan madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gelaya qaarkood.