Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaasi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo.
War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay wadahadal saaxiibtinimo la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayna ku kulmeen xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ee magaalada Nairobi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayaa sheegtay in Wasiir Axmed Ciise Cawad uu maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo; iyadoo labada Wasiir ka wadahadleen sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Kulankan ayaa daba socda wadahadal ay labada Madaxweyne khadka telefoonka ku yeesheen 5-tii bishan Maarso 2020-ka.
Wasiir Cawad ayaa la sheegay inuu safarkiisa ka danbeeyay wafdi uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo uu gogolxaar u yahay socdaal la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tago dalka Kenya.