Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wasiirada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada oo xiriirkii u jaray Wasiirka xukuumada FS iyo sababta

    Wasiirada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada oo xiriirkii u jaray Wasiirka xukuumada FS iyo sababta

    November 16, 2022Updated:November 17, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirada Boostada iyo Isgaarsiinta shanta Dowlad Goboleed ee Dalka ayaa qaatay go’aan ay xiririkii ugu jareen Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif.

    Qoraal wadajir ah oo ay soo saaree Wasiirada maamul Goboleedyada ayey ku eedeeyeen Wasiirka Xukuumadda Federaalka inuu in uu bajiyay dhowr jeer shir lagu madalsanaa inay labada dhinac yeeshaan, si wadatashi looga yeesho Siyaasadaha lagu maamulayo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dalka.

    Khilaafkan ayaa u muuqda inuu salka ku hayo maamulka iyo qeybsiga dhaqaale laga helayo Bankiga Aduunka ee Mashruuca Digital Integration, kaasoo la sheegay inay ku baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo Dollar.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFDEEDKA

    Tr: 16/Nov/2022
    War-saxafadeed wadajir ah.

    Ku: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS
    Og: Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS
    Og: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaliya
    Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya

    Ujeeddo: Joojinta wadashaqeynta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S

    Maanta oo Taariikhdu tahay 16/Nov/2022, Shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga dhammaan Wasiirrada Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknlojiyadda ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa ay ku joojiyeen wadashaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federalka Somalia.

    Dhammaan Wasiirrada ayaa qaatay go’aankan kadib markii ay arkeen in Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyay Xiriirka labadda heer ee Wasaaradaha isla markaana uu kaligiis qaaday Talaabooyinka hoos ku xusan.

    1: in uu bajiyay dhowr jeer shir lagu madalsanaa in labada dhinac ay yeeshaan, si wadatashi loo dhanyahay looga yeesho Siyaasadaha lagu maamulayo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dalka.

    2: in Mashaariicdii hormarineed ee loogu talagalay Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu ku qortay shaqsiyaad gaar oo xafiskiisa ka shaqeeya, uuna ku takrifalay masuuliyadii lagu aaminay.

    3: in dhammaan Tababarada ay xaqa u lahaayeen Shaqaalaha Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu joojiyay kuna koobay kaliya Wasaaradda heer Federal.

    4: in si musuq maasuq baahsan ah oo u maamulayo Mashruuca Digital Integration oo World Bank dhowaan bilaabeyso, kuna baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo Dollar, kaas oo loogu talagalay inta badan dhismaha iyo horumarinta Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa uuna si cad uga horyimid in Wasaaraduhu soo qortaan baahiyahooda muhiimka u ah.

    Sidaa darteed waxan ugu baaqeynaa Madaxda sare ee DFS iyo Hey’adaha naga taagyeeraya Mahariicda in si dhow ula socdaan in aysan jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhaxeeya Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowlad Goboleedyadda iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, kana fogadaan in heshiis gooni ah la galaan shaqsi kaligiis ah.

    War-saxafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray.

    1: Eng Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Igaarsiinta, Teknoljiyadda, Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntand.

    2: Abdullahi Shiikh Dahir, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Igaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Koofur Galbeed.

    3: Abdifatah Hassan Farah, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Hirshabelle:

    4: Abdirashid Mohamed Du’ale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Jubbaland.

    5: Xill Abbas Hussein Ali, Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Boostada, lsgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Galmudug.

    Maamul Goboleedyada Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJeneraal ka tirsan Golaha Milateriga Sudan oo Muqdisho yimid iyo Xasan Sheekh oo la qaabilay
    Next Article Ciidamada dowladda iyo kuwa Degaanka oo la wareegay Tuulo u dhow Ruun-Nirgood

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo