Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Wasiirada Isgaarsiinta Somalia & Dowlad Goboleedyada oo War-muriyeed soo saaray.. [Akhriso]

    Wasiirada Isgaarsiinta Somalia & Dowlad Goboleedyada oo War-muriyeed soo saaray.. [Akhriso]

    April 18, 2019Updated:April 18, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii wadatashiga Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada ayaa lagu soo gabagbeyay magaalada Muqdisho, isagoo socday 16-18-ka Abriil 2019.

    Gabagabadii shirka waxaaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 19 qodob oo ku saabsan soo celinta adeegyadii Boostada dalka iyo wada-shaqeyna maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, waxana qodobadda ka mida

    Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka.

    Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran.

    In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta.

    Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed.

    In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka.

    In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019.

    In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda.

    10.In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca.

    In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka.

    In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada.

    In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto.

    Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka.

    In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah.

    in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed.

    Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah

    In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda

    Shirkan waxaa ka qeybgaley Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Casriga ah ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta ee Galmudug, Mudane Xildh. Aadan Xaaji Xasan; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koofur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Boostada,Tiknoolijiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jubbaland, Mudane Cabdi Xuseen Maxamed; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed.

    Boostada Isgaarsiinta Maamul Goboleedyada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Halkee ku danbeeyay Bannaanbixii ay ka digeen Madaxda & taageerayaasha Dowladda.. ?
    Next Article Madaxweynaha Somaliland oo Socdaalkii labaad muddo 40 maalmood ah ugu dhoofay Imaaraadka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo