Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa cabasho xoog leh u gudbiyay xukuumadda Soomaaliya.
Shirkii golaha wasiirada ee Khamiislaha maanta ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay oo ay qaadaceen xubnaha labada gole ugu jira beelaha Dirta Waqooyi iyo odayaasha beelahaasi oo sheegay inaysan ka qeyb galeynin doorashada 2016.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shirka ka sheegay in arrinta Aqalka sare iyo xubnaha laga celiyay qeybtii la siiyay Somaliland ay tahay mid halis ah oo keeni karta dhaawac weyn oo ku yimaada dowladnimada Soomaaliya, ayna dalbanayaan in xal degdeg loo helo inta ay san faraha ka bixin.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo shirka guddoominayay ayaan go’aan ka qaadan arrintan waxaana lagu soo koobay muujin cabasho u baahan wax ka qabasho degdeg ah.
Wadani.com