Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wasiirada Maaliyadda DF iyo Maamul Goboleedyada oo Heshiis ka gaaray qeybsiga Dhaqaalaha

    Wasiirada Maaliyadda DF iyo Maamul Goboleedyada oo Heshiis ka gaaray qeybsiga Dhaqaalaha

    September 13, 2022Updated:September 14, 20224 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa soo saaray heshiis ka kooban 11 Qodob oo ku saabsan qeybsiga dhaqaalaha Bankiga Adduunka iyo qoondeynta Arrimaha Dhaqaalaha.

    Qodobka ugu muhiimsan ee Wasiirada ku heshiiyeen ayaa ah Dhaqaalaha kabka Miisaaniyadda ee dowladda Soomaaliya ka heshay Bankiga Adduunka in 50% kabka loo isticmaalo horumarinta arrimaha Bulshada iyo Maamul Wanaagga, sida arrimaha caafimaadka iyo Waxbarashada.

    Waxaa kaloo heshiiska ay ku heshiiyeen in 50% kabka Miisaaniyadda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda DG, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

    Taariikh: September 13, 2022

    Warmurtiyeedka Shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka

    Shir ay isugu yimaadeen dhammaan Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa ka qabsoomay magaalada Mogadishu kaas oo lagu gorfaynaayey arrimaha maamulka maaliyadda dalka.

    Shirkaan oo qabsoomay muddo (2) labo sano ah ka dib, ayaa waxaa ka soo qayb-galay dhammaan Wasiirrada Maaliyadda, xubno ka mid ah guddiga farsamada iyo marti-sharaf kale. Shirkaan wada tashiga ah 00 socday muddo lix (6) maalmood, ayaa waxaa shirguddoominaayay Wasiirka Maaliyadda DFS, Dr. Cilmi Maxamud Nuur oo ay wehelinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamud Janaqow iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cabdulqafaar Cilmi Xaange.

    Wasiirrada Maaliyadda waxaa ay soo dhawayn iyo wada-shaqayn rasmi ah u ballan-qaadeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Cilmi, iyagoona hoosta ka xariiqey wada shaqayn dhab ah, una ballan qaaday in ay si dhow ugala shaqaynayaan arrimaha horumarinta maamulka maaliyadda dalka iyo hannaanka dayn cafinta.

    Is-xogwaraysi, kala warqaadasho iyo dood ku aaddan dardargelinta arrimaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dalka ayaa waxaa la-isla qaatay inay ka wada go’an tahay in si isku kalsooni, qaddarin iyo xusjamad leh lagu wada shaqeeyo iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha horumarinta hannaanka deyn cafinta iyo dawlad wanaagga, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

    1) Si loo xaqiijiyo horumarka, hufnaanta iyo isku duubnaanta hay’adaha maaliyadda ce dalka, wasiirradu waxay hoosta ka xarriiqeen inay lagama maarmaan tahay in si dhow loo wada shaqeeyo oo ku dhisan kalsooni iyo wada tashi;

    2) In aan mamaba la siyaasadayn arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta shuruucda maaliyadda dalka iyo xaqiijinta halbeegyada iyo shuruudaha ku lammaan deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee XFS soo mara,

    3) In si wada jir ah looga qayb-qaato dhamaystirka hannaanka dayn cafinta, iyo dib-u habaynta dhaqaalaha, hufnaanta nidaamka maaliyadda, la dagaalanka saboolnimada, musuq-maasuqa, lagana shaqeeyo kobcinta Dowlad wanaagga;

    4) In la isla qaato lana ansixiyo hab ku saleysan qaacido (Formula Based Resource Sharing) oo ku aaddan qaybsiga deeqaha dibadda, si loo dhiirigeliyo wax-wada-qaybsi loo dhan yahay isla markaasna la dardargeliyo dadaalka ku aaddan kobcinta dakhliga gudaha iyo ilaalinta wax ku-oolnimada maamulka maaliyadda iyo adecgga bulshada.

    5) In 50% kabka miisaaniyadeed ee qeybsiga yabooha Bankiga Addunka ee loo yaqaano, (DPO-2) loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga, sida howlaha Caatimaadka iyo Waxbarashada.

    6) In 50% Kabka miisaaniyadeed ee DPO-2 ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo;

    7) In la dhameystiro barnaamijka furdooyinka iyo dardar gelinta isticmaalka SOMCAS

    8) In xoogga la saaro kobcinta iyo tayada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah, si muwaadiniinta dalku u helaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho.

    9) Daabicidda, soo saarista xisaab celin sannadle ah oo waafaqsan nidaam-xisaabeedka mideysan ee guddiga farsamada horey ugu heshiiyeen ee loo yaqaano, (Unified Chartered of Accounts).

    10) In la ilaaliyo dhammaan heshiisyada la wada gaaro.

    11) In la qabto shirka xiga ee Wasiirrada Maaliyadda Bisha November ee soo socota haddii Alle Idmo. Shirka ayaa kusoo soo idlaaday jawi deggan, waxaana lagu balamay wada shaqayn, waalalnimo iyo iskaashi joogto ah.

    Saxiixayasha Warmutiyeedka Shirka

    1. Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland

    2. Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug

    3. Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland

    4. Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda K. Galbeed

    5. Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle

    Dr. Cilmi Maxmuud Nuur
    Wasiirka Maaliyadda XFS

    Heshiis dhaqaale qeybsi Top Wasiirada Maaliyadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQoorqoor oo noqday Madaxweynihii ugu danbeeyay ee xilka kororsada Maamul Goboleeyada
    Next Article William Ruto oo Xil cusub wakiishay Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo