Wasiirada taageersan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray go’aanno uga sii daraya khilaafka siyaasadeed ee ka taagan madaxda Galmudug.
Go’aanada oo uu akhriyay wasiirka warfaafinta maamulkaasi Maxamud Aadan Cismaan (Mesagowaa) ayaa inqilaab dhicisoobay ku sheegay xildhibaano ka tirsan Galmudug oo 26-kii bishan xilkii ka qaadeen Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), iyadoo lagu tilmaamay Qas-wadayaal.
Waxaa go’aanda ka mida taageerada War-murtiyeedkii kasoo baxay bayaankii ka soo Maamul goboleedyada ee lagu eedeeyay dowladda Federaalka.
Waxaa lagu sheegay inuu madaxweyne Xaaf amray howlgelinta maxkamadda sare ee Galmudug ay xaaladda jirta wax u qabato.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug (Masagawaa) ayaa sheegay Golaha Wasiirada inay soo dhaweeyeen go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku mamnuucay Diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho
DHAGEYSO QODOBADDA SOO BAXAY
