Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Wasiirada & Xildhibaanada Banaadiriga: “Qowmiyadeena ayaa xaq u leh lahaanshaha Gobolka Banadir”

    Wasiirada & Xildhibaanada Banaadiriga: “Qowmiyadeena ayaa xaq u leh lahaanshaha Gobolka Banadir”

    June 5, 2020Updated:June 6, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen wasiirrada iyo xildhibaanada dowladda federaalka ku matala qowmiyadda Soomaaliyeed ee Banaadiriga, ayaa laga soo saaray go’aankooda rasmiga ah ee ku aaddan qadiyadda metelaada gobalka Banaadir.

    WAR-SAXAAFADEEDA HOOS KA AKHRISO

    Xildhibaanada Qowmiyadda Banaadir, kadib markii ay in badan daraaseeyeen doodaha ku saabsan metelaadda gobalka Banaadir, sidoo kalena ay daraaseeyeen hadalladii dhowaanahan ka soo yeerayey siyaasiinta beelaha kale, islana gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in bayaan rasmi ah oo go’aan wadajir ah ay ka soo saaraan arrinta qaddiyadda gobalka Banaadir, waxaa ay isla garteen, in iyaga oo cuskanaya.

    1. Dastuurka kumeel gaarka ah qodobka 72-aad farqaddiisa (C) ee dhigeysa. Tirada guud ee xubnaha golaha Aqalka Sare waa inay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.
    2. Sharciga doorashooyinka qodobkiisa 12-aad farqadiisa 5aad ee dhigeysa. Sida ku xusan Qodobka 72aad xarafka (C) ee Dastuurka waa in xisbiyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga iyo isu dheelitirnaanta matalaada bulshada ee kuraasta Aqalka Sare.

    Waxay wadajir uga soo saareen go’aanada soo socda:

    1- In ay Muqaddas tahay in la helo metelaadda gobalka Banaadir si rasmi ah oo dastuuri ah, isla markaasna aan ku jirin xaqdarro iyo sad bursi

    2- In qowmiyadda Soomaaliyeed ee Banaadiriga ay tahay qowmiyadda 1-aad ee xaqa u leh lahaanshaha gobalka Banaadir, isla markaasna waajib qaran ay tahay in qowmiyadda Banaadiriga la siiyo tixgalinta 1-aad ee metelaadda gobalka Banaadir, iyada oo haatan ay qowmiyaddu ku dulman tahay metelaadda Aqalka Sare.

    3- In Siyaasiinta ka hadleysa arrimaha gobalka Banaadir ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara is xaqiraad, xaalad abuur iyo kicin colaadeed.

    4- In Siyaasadeynta qalloocan laga daayo arrinta gobalka Banaadir, isla markaasna masiirka gobalka loo daayo qowmiyadda xaqa u leh ee Banaadiriga iyo inta la deggan.

    Sidaas darteed, Wasiirada iyo Xildhibaanada qowmiyadda Soomaaliyeed Banaadiriga, waxaysan marna aqbali doonin arrin walba oo khuseysa metelaadda gobalka Banaadir ee aan muhiimadda 1-aad siineyn qowmiyadda oo ah midda xaqa rasmiga ah u leh aayo ka-talinta gobalka Banaadir.

    WAXAA KU SAXIIXNAA:

    1- Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed

    2- Wasiir Fahma Axmed Nuur

    3- Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar

    4- Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed

    5- Xildhidhaan Lutfi Shariif Maxamed

    6- Iyo Xildhibaan Khaliid Macow Cabbdulkadir.

    4.5 Banaadiri Maqaamka Muqdisho Qowmiyada Banaadiriga
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Xaliimo Yarey oo raadineysa 70 Milyan oo Dollar si Doorasho loo qabato (Maxaa laga hayaa?)
    Next Article Kalfadhiga 7-aad ee Labada Aqal oo furmaya & Xaaladda ku wareegsan Khudbadda Farmaajo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo