Wafdi ka kooban ku dhowaad 10 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sii jeeda dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Wafadigan ayaa ujeedkooda lagu sheegay inuu daba joogo socdaalkii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee Boqortooyada Sacuudiga iyo heshiisyo labada dal ay wada geli doonaan.
Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in wasiirada ay heshiiyo dhowr ah la saxiixan doonaan dhigoodda dalka Sacuudiga, waxaana ay qeyb ka tahay taageero Sacuudigu siinayo dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay Sacuudiga weydiisatay lacag dhan 4 Bilyan oo Doolar si loogu fuliyo mashaariic fara badan, taasoo uu sheegay inay aqbaleen.
Wadani