Wafdigii ugu balaarnaa dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay berri u dhoofaan dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Wafdigan oo ay ka mid yihiin ku dhowaad 7 wasiir waxay Sacuudiga heshiisyo kala duwan kula saxiixaan doonaan madaxda dalkaasi oo maalgelinaya mashaariic laga fulinayo Soomaaliya.
Socdaalka wasiiradan oo ay isku qabsadeen madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa markii dambe heshiis laga gaaray iyadoo wafdiga tiro badnidiisa uu ka hor yimid Ra’iisal wasaare Kheyre.
Dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay Boqortooyada Sacuudiga lacag dhan 4 Bilyan oo doolar, waxaana loo bedelay mashaariic laga fulinayo Soomaaliya, taasoo Sacuudigu ogolaaday, waxayna tani noqoneysaa taageeradii ugu weyneyd ee Sacuudigu siinayo Soomaaliya.
Wadani