Wasiiradii ugu horeeyay ee xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Uganda.
Socdaalka Madaxweynaha oo ah kii 8-aad ee uu dalka uga dhoofo ayaa yimid maalin kadib markii la ansixiyay xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana iyagoo aan xilalka la wareegin wafdiga ka mida ilaa 3 wasiir iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka mida wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa kaloo ka mida Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo mar kale noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi oo ah cusub Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
Madaxweynaha iyo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamacayaa maanta furay dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kampala oo dayactir lagu sameeyay.
Wasiirada cusub ayaa la dhaariyey Axadii 7-da Ogost 2022, kadib markii codka kalsoonida u usiiyey Golaha shacabka ayaa la filayaa inay xilalkooda la wareegaan ilaa Sabtida, sida ku cad jadwalka kasoo baya Xafiiska Ra’iisal wasaaraha. (Halkan ka Akhriso).
