Wasiirka Afrika u qaabilsan UK ayaa War kasoo saartay doodda Baarlamaanka ka yeelanayo arrinta Somaliland iyo aqoonsigeeda.
Vicky Ford oo ah xildihbaan iyo Wasiirka dowladda UK u qaabilsan Afrika, Latin America iyo Caribbean ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri: “Dooda ee Golaha Baarlamaanka UK waxay hoosta ka xariiqaysaa mowqifka joogtada ah ee dawladda UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland”.
Waxay caddeysan in Mowiqfka UK uu yahay in Somaliland & Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka tashadaan aayahooda mustaqbalka, ayna iyaga jirto inay go’aansadaan.
“Waxaan sii wadeynaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya & Somaliland ee dhinacyada Dimuqraadiyadda, Amniga & Horumarka” ayey qoraalkieeda ku tiri Wasiirka Afrika ee UK Vicky Ford.
Wasiirada oo socdaal ku mareysa dalka Kenya ayaa maanta khadka Telefoonka kula hadashay wasiirka Arrimaha dibandda Soomaaliya, iyadoo ku celisay mowqifka dowladda Ingiriiska ee ah dhowrista madaxbannaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan xisbiga Mucaafidka talada haya ee UK ayaa mooshinkaasi geeyay Baarlamaanka Ingiriiska.
