Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo mas’uuliyiinta hoos yimaada wasaaradiisa ayaa looga yeeray inay hortagaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Xoghayaha Baarlamaanka oo loo diray Wasiirka Amniga ayaa lagu ogeysiiyey inuu maalinta Berri ah ee Talaadadda hor yimaado Golaha Baarlamaanka, iyadoo ay la socdaan Mas’uuliyiinta hoos yimaada.
Arrintan ayaa timid, kadib markii shalay la baajiyey kulan ay doonayeen inay wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay la yeeshaan Guddiga fulinta Baarlamaanka, waxayna xildhibaannada Guddiga dalbadeen inay hor tagaan Baarlamaanka.
HOOS KA AKHRISO
