Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa xaqiijiyey in la xiray qaar ka mida wadooyinka Muqdisho, taaso uu sheegay in lagu sugayo ammaanka.
Isagoo ka hadlayey warbaahinta dowladda ayuu Saxaafadda ugu baaqay inay iska ilaalayaan waxa ay qorayaan, kana eegaan inay inay dan u yihiin dadka iyo dadka. “Anagu ma dhaheyno hala xiro ama hala joojiyo, laakiin bulshada ayaa kala sooci doonta waxa la faafinayo, waana in waxa la qorayo ay ahaadaan wax dan u ah dadka”. ayuu yiri Wasiir Xundubey.
Wuxuu sheegay inay soo gaareen dhibaatooyinka ka dhashay wadooyinka xiran iyo saameynta ay yeesheen, laakiin ujeedada aysan ahayn in dadka la dhibaateeyo, wuxuuna ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu soo gaartay howlaha lagu sugayo Amniga, isagoo ciidamada faray inay shacabka u turaan.
Wasiirka ayaan soo hadal qaadin sababta loo xiray wadooyinka, digniinta ka timid musharixiinta madaxweynaha ee ciidamada la dul dhigay iyo xaalada ka taagan caasimadda.