Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hubka ay qabteen ciidamada Australia duleedka xeebaha dalka Cumaan ay aamisan yihiin inuu u socday kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inay socdaan baaritaan lagu hayo arrintan.
Wasiirka oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in arrinta hubka Doonida saarnaa ee la qabtay ay tahay waqti hore in laga hadlo halka uu u socday iyo cidda lahayd, wuxuuna intaas ku daray inuusan faahfaahin badan ka bixin karin, laakiin wuxuu caddeeyay inay aamisan yihiin in hubkaasi u socday kooxda Alshabaab.
Saraakiil Mareykan ah ayaa hore u sheegay in hubku u socday Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman, ayna siday Doon Iiraan ah iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iiran.
Wadani.com