Wasiirka Amniga xukuumadda Xilgaarsiinta C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan saraakiisha hor istaagay bannaanax nabadeed oo ka dhacay Muqdisho maanta.
“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu u xaqiijiyey shacabka iyo mas’uuliyiintaas inaan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay.
Dhinaca kale Wasiirka amniga ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada, lana la aqbali karo wax rabshada ah.
Bannaanbax ay dadweyne boqolaal ah uga horjeedaan shaqo ka joojinta fashilantay uu Farmaajo ku sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana markii danbe kala eryay ciidamada Booliska.
