Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Malawi ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi.
Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Malawi Mr. Eisenhower Mkaka ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Hargeysa, wuxuuna noqonayaa mid ka mida mas’uuliyiintii ugu sareeyay ee si rasmi ah u booqda Somaliland oo iskeed madax bannaani ugu dhawaaqday.
Wasiirka ayaa la geeyay Madaxtooyada magaalada Hargeysa, waxaana uu kulan la leeyahay Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda maamulkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Malawi Mr. Eisenhower Mkaka oo xilka loo magacaabay sanadkan 2020-ka kadib doorashadii dalkaasi ee 2019 dhacday waa xoghayaha xisbiga Malawi Congress Party.
Wasiirkani wuxuu billihii ugu danbeeyay qaaday laba tallaabo oo waaweyn, marka hore wuxuu afar heshiis la saxiixday dowlada Marocco, wuxuuna taageeray sheegashada dalkaasi ee Saxaraha Galbeed, Marka labaadna wuxuu booqday Israa’iil, wuxuuna ku dhawaaqay in safaaradda dalkiisa loo rarrayo magaalada Qudus, taaso ahayd dalkii ugu horeeyay afrika ee Yuhuudda u dhowaada.
Tallaabo ka horjeeda taageerada uu siiyey dalka Marooko oo sheegata Gobolka Saxaraha Galbeed, ayuu maanta u tegay magaalada Hargeysa, isagoo taageeraya maamul doonaya inuu ka go’o dal uu ka tirsanaa.
