Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar, Khaalid Bin Mohammad Al Cattiyah, ayaa socdaal aan hore loo shaacin maanta ku yimid magaalada Muqdisho iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay isla markaana ay soo dhoweeyeen wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ay oo wasiir dibadeeda ka tirsan dalalka Khaliijka ku yimaado Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in socdaalkiisu la xiriiro xoojinta xiriirka labada dalka iyadoo ay Qatar ka mid tahay dalalka taageera dowladda Soomaaliya.
Khalid bin Mohammad ayaa xilka qabtay sanadkii 2013-ka waxaana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar loo magacaabay markii uu amiirkii hore ee dalkaasi xilka u baneeyay wiilkiisa.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa muddo laba jeer ah booqday dalka Qatar muddooyinkii u danbeeyay, waxaa kaloo dalka Qatar socdaallo kala duwan ku tegay wasiiro badan oo ka tirsan xukuumadda.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]