Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Germany ayaa booqasho aan hore loo sii sheegin goor dhoweyd ku soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiika Sigmar Gabriel ayaa ksoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo hogaaminaya wafdi balaaran oo socdaal maalin barkeed ah ku joogi doona magaalada Muqdisho.
Waxaa Garoonka ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, iyadoo uu kulan uga socdo Garoonka Muqdisho.
Wa wafdigii ugu sareeyay ee Jarmalka ka socda oo Muqdisho yimaadam wuxuuna socdaalkiisa ku soo beegmayaa ka hor shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada London ka dhici doona.
Wadani.com