Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa goor dhoweyd soo gaartay magaalada Muqdisho.
Wafdiga Wasiirka waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdiso kusoo dhoweeyay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waxaa kulao is daba jooga ay la yeelan doontaa Raychelle Omamo dhiggeeda Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna waxaa la filayaa in salaan ugu tagto Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiiiradda Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ay farriin ay ka sido Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u gudbin doonto Maxamed C/llaahi Farmaajo.
