Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay falkii xalay ka dhacay Muqdisho ee lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo howgalka lagu dilaya qaar ka mida ilaaladiisa.
Wasiirka oo ay si xigaan siyaasiga ayaa tacsi u diray wiilasha ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ku dhintay gacanta ciidammada ammaanka ee Dowladda, wuxuuna yiri: “Waxaan leeyahay Allah ha u naxariisto, qoysaskooda iyo ehelkoodana Samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo..”
Wuxuu intaas ku daray baaq in deganaan la muujiyo si sharci ahna arrinta lagu dhammeyn doono. “Waxaan ehelka wiilasha, ehelka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadweynaha Muqdisho ee howlgalkii xalay uu toos ama si dadban u saameeyay ugu baaqayaa degganaan. Dhib iyo gef kasta oo la tirsanayo waxaan ku baaqayaa in xalkooda lagu doono dariiq sharciga waafaqsan..” Ayuu yiri Yuusuf Garaad oo farriin soo dhigay baraha bulshada.