Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfahin ka bixiyey shirkii IGAD ee Jabuuti ka dhacay iyo xaaladda Soomaaliya iyo Kenya wixii lagu dhammeeyay.
Wasiirka ayaa sheegay inay Soomaaliya diyaar u ahayd inay arrimaha ay eedeyneyso Kenya, laakiin arrinta lagu dhammeeyay shir gaar ah oo madaxdii IGAD ay si weyn ugu cadaadiyeen Soomaaliya in arrinta lagu xaliyo gudaha IGAD.
“Dowladda diyaar ayey u ahayd inay soo bandhigto eedeymaha ay u heyso Kenya, hase yeeshee madaxdii IGAD waxay cadaadis weyn nagu saareen in arrintan lagu xaliyo IGAD dhexdeeda.. taallabada ugu horeysana ay tahay in xaaladda la dejiyo. Soomaaliya waa ogolaatay laakiin waxaan ku xirnay shuruud oo ah in Guddi loo saaro arrimaha la isku hayo oo ay ugu culus tan ku saabsan jabhadaha lagu soo abaabulay dalka Kenya ee jooga xuduudka dhinaceeda kale. IGAD waxay go’aan u gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro oo soo baara..” ayuu yiri Wasiirka Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa caddeeyay in xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya dad badan ka welwelsan yihiin, Kenyana ay tahay dal mudo dheer aanu la lahayn. “Kenya iyo Soomaaliyan way ku qasban yihiin in ay soo celiyaan xiriirkooda wakhtiga ugu munaasibsan iyo sida ugu munaasibsan” ayuuna yiri.