Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qormo ka diyaariyay safiirro uu qaabilay [Akhriso]

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qormo ka diyaariyay safiirro uu qaabilay [Akhriso]

    April 24, 2017Updated:April 24, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Danjirayaasha Jarmalka, Talyaaniga iyo Imaaraadka

    Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

    Danjirayaasha waxaan kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii iyo Imaaraadka Carabta tan iyo xilligii Shiikh Zayed.

    Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta Frasch oo aan goobjoog ka ahaa kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Madaxtooyada markii dambena aan qado-shaqo kula yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ayaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

    Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay.

    Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la dagaasho  musuqmaasuqa, taas oo faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.

    Waxaan xusay in maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan.  Danjiryaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen codsigaas.

    Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda ayaa ahayd mowduuc aan kala hadlay Danjirayaashu in ay Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.

    Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan.

    Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.

    Saddexda Danjire waxaan mid kasta ka wadahadalnay xiriirka labadeenna dal.

    Talyaaniga

    Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda Talyaanigu la leedahay Soomaaliya. Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda.

    Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.

    Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa’iideysatay mshaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed.

    Waxaa uu Danjiruhu si kaftan ah wax iiga weydiiyay in uu maqlay in aan Talyaaniga wax ku bartay waxaanna uga warramay waxbarashadii aan ku qaatay magaalada Sienna ee dalka Talyaaniga.  Waxaan u sheegay in aan Dowladda Talyaaniga abaal uga hayo deeqda waxbarasho ee ay aniga iyo kumanyaal Soomaali ah u fidisay taas oo aan xusay in aan maanta aad ugu baahi qabno.

    Imaaraadka Carabta – UAE

    Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee ay sameeyeen.

    Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq samafal ah oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.

    Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay iridda sharciga ah ee laga soo galo dalka. Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taa wax u dhimi kara.

    Jarmalka

    Danjiraha Jarmalka uga wakiilka ah Soomaaliya, Jutta Frasch, ayaan ka qeyb galay kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Xafiiskiisa.  Ka dibna waxaan la qaatay qado-shaqo.

    Danjiraha waxaan isla soo qaadnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka isla markaasna aan isu weydaarsan lahayn booqashooyin Madax Sare oo labada dhinac ah.

    Qadada waxaan uga dul sheekeysannay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka iyo sida aan u aragno in dalalka aan jaarka nahay uu isku xiran yahay amnigeenna iyo horumarkeennu.

    Posted by Yusuf Garaad

    Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerarro dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
    Next Article Afhayeenkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shaqada laga fariisiyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo