Waxa galabta gaaray Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo uu wehliyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ujeedka socdaalkoodu yahay inay magaalada Gaalkacyo-Galmudug ku soo dhoweeyaan wafdiga madaxweynaha Soomaliya oo la filayo inuu soo gaaro Sabtida magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale maanta tegay madaxweynaah Galmudug, waxaana ka socda diyaargarowg weyn oo ku saabsan soo dhoweynta madaxweynaah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
SAWIRRO