Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, isagoo shaacisay in la dardar gelinayo maamul u sameynta Galmudug.
Wasiir Sabriye oo dowladda mas’uul uga ah arrinta Galmudug ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka sheegay magaalada Dhuusamareeb inaan hakad la gelineynin maamul u sameynta Galmudug, isla markaana la dardar gelin doono oo si dhaqso leh oo loo dhameystiri doono dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan ka joogaan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo saacadihii ugu danbeeyay ciidamadaasi la dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada, iyadoo loo diyaar garoobayo soo xulista Baarlamaanka cusub ee Galmudug.
Ahlu suna ayaa ka hor timid qorsaha maamul u smeynta Galmudug ee dowladda Federaalka, waxaana la sheegay inay diyaarinayaan xildhibaanno ay dhinacooda soo xulayaan, taasoo laga cabsi qabo inay xiisad kale dhaliso.