Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya /raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta tegay Magaalada Cadaado oo xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.
Socdaalka wasiirka ayaan wax faahfaahin laga bixin, waxayna wararku sheegayaan inuu la xiriiro arrimaha Doorashada iyadoo dhowaan magaaladaasi la geyn doono ciidamo ka socda AMISOM oo qaabilsan nabadgelyada Doorashooyinka.
Warar kale ayaa sheegaya in wasiirku xal u raadinayo wada-hadal loo furayo Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca si doorashada loo wadaago.
Wadani.com