Wasiirka Batroolka iyo Macdanka xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shaqadii ka joojiyey xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaraddaasi, kadib markii lagu eedeeyay qodobo kala duwan.
Jamaal Qaasim Mursal oo ahaa xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa lagu soo eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin: wadashaqeyn la’aan, bixinta sirta wasaaradda iyo arrimo kale.
Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa qoraalkiisa ku sheeya arrimaha keenay inuu shaqada ka joojiyo xoghayihii wasaaradda, waxaan qodobaddasi ka mida:
1. Wada shaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka timid dhanka xogheyaha iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda
2. Bixinta siraha muhiimka ah ee wasaaradda ee loo gudbiyo dad kale oo ka baxsan wasaaradda
3. Ku xad-gudubka hannaanka kala sareynta shaqada iyo hab maamulka guud ee wasaaradda
4. Cabashada shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda
Tallabaadan ayaa timid iyadoo ra’iisal wasaare Kheyre uu wasiiradiisa hore uga joojiyay inay xil ka qaadis ku sameeyaan Agaasimeyaasha iyo xoghayeyaasha wasaaradaha.