Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad Cali ayaa Beeniyay Wararkii sheegayay in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu Xilka ka qaaday.
Axmed Dubad Cali ayaa caddeeyay in wararkaas ku sheegay kuwo aan Xaqiiq aheyn islamarkaana uu yahay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug oo aysan jirin Cid Xilka ka qaaday.
“Aad ayaan uga Xumahay Wararka Beenta ah ee la leeyahay waxaa Xilkii laga qaaday Axmed Dubad Cali, Warqadda Been abuurka ah ee Warbaahinta loogu sheegay in Xilka la iga qaaday waa mid dad ka soo horjeeda Jiritaanka Dowlad Goboleedka Galmudug looga soo horjeedo” ayuu yiri Axmed Dubad Cali.
Maanta ayaa la baahiyay in xil ka qaadis lagu sameeyay wasiirkan, arrintaas oo uu beeniyay kuna tilmaamay been abuur.