Iyadoo cudurka Coronavirus uu kusii faafayo dalal badan oo Yurub ka tirsan ayaa la shaaciyey in cudurkan ay qabto haweeneyda ah Wasiirka Caafimaadka UK Nadine Dorries.
Haweeneydan oo dadaal ugu jirtay in cudurkan laga hortago ayaa baaritaankii lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabto Coronavirus, iyadoo la karaantiilay oo xaaladeeda caafimaad lala tacaalayo, laakiin arrinta yaabka leh ayaa ah inay maalmihii ugu danbeeyay ay la kulantay boqolaal qof oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo waliba Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johanson.
Guud ahaa dalka Ingiriiska waxaa cudurkan hadda qaba 382, iyadoo ay u dhinteen 6 qof, waxaana Ingiriiska uu saameyn ku yeeshay cudurkan isu socodka dadka iyo kulamada dadweynaha, iyadoo la baajiyay ciyaar ay caawa yeelan lahaayeen kooxaha Manhester City iyo Arsenal.



