Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa qirtay in Askari ka tirsan Ciidamada Asluubta oo ilaalo u ahaa uu toogasho ku dilay howlwadeen ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.
Wasiirka Cadaaladda oo tacsi u diray Qoyskii uu ka dhintaay Marxuum Maxamed C/qaadir Cilmi oo shalay Galab uu toogasho ku dilay askari ilaalada wasiirka, wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi, isla markaana askariga la xiray, sharcigana la marsiin doono.
Wuxuu intaas ku datay in xilliga uu falka dhacay aanu la socon Gaariga, isagoo saraakiisha ciidamada Dowladda ugu baaqay inay iska ilaaliyaan hubka ay gacanta ku hayaan inay ku waxyeelaan shacabka, wuxuuna saaraakiisha ciidamada ku booriyey inay tababarro dheeraad siiyaan ciidamada.
