Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wasiir Axmed Ciise Cawad oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka ayaa xilkan loo magacaabay dhowaan, waxaana la filayaa in isla maanta la dhaariyo isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha.
Waxaa Wasiirka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Warfaafinta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.




![Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo Muqdisho lagu so dhoweeyay [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/01/Wasiir-cawad.jpg)