Waxaa geilnkii danbe ee maanta garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo degay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Soo dhoweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan Golaha wasiiradda, xildhibaanada labada aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo garoonka magaalada Muqdisho u tegay soo dhoweynta Wasiirka cusub.
Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo warshadaha oo markii la magacaabayay howlo shaqo ugu maqnaa Nairobi ayaa hadal kooban oo uu dadkii soo dhoweeyay kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu mahad celiyay soo dhoweynta diiran maadaama iyadoo bil ramadan tahay waqtiggooda soo hureen.
Eng. C/llaahi wasiirka cusub ayaa caawa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay magaalada Muqidsho, waxaana la filavaa in maalmaya soo socda uu si rasmi ah xilka ula wareego, kadib markii xilka loo dhaariyo.
“Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaatay soo dhoweyntii diiraneyd ee sharafta iyo cisiga laheyd ay igu soo dhoweeyeen iyadoo bil Ramadaan oo la sooman yahay ay tahay, waxan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxdii ka socotay xukuumadda, Baarlamaanka, Bulshada rayidka iyo ganacsatada, waxaan leeyahay aad ayaa ugu mahadsan tihiin soo dhoweyntiina sharafta mudan. Waxaan kaloo aad u mahad ceinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee fariimaha ii soo diray iyo kuwa ducooyinka igu kabay, dhamaantiin allaha idinka abaal mariyo…” ayuu yiri Wasiirka cusub ee ganacsiga oo farriin mahadcelin ah diray.
Eng. Cabdullahi Cali Xasan ayaa siyasadda kasoo galay ururada bulshada rayidka, wuxuuna ka mid ahaa madaxii fulinta mashaariicda Daikonia Bread for the World oo markii danbe noqotay Daryeel Bulsho GUUD, waxayna Hay’adaasi fulisay in ka badan 70 mashruuc oo wax ku ool ah oo isagu jiray dhinaca gargaarka degdegga ah, waxbarashada, wax soosaarka beeraha, biyaha, korontada iyo dhismaha suuqyada iyo shaqo abuurista.
Wuxuu asaasay Hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee CED oo fulisay in ka badan 83 mashruuc, iyadoo dhaqaale iyo maalgelin ka heshay dalalka Holland, Ingiriiska, Sweden, Maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Jarmalka iyo Hey’adaha Qaramada Midoobay ee FAO, UNDP, UNHCR, UN-OCHA, UNICEF, UNDEF iyo walibe Hey’adaha caalamiga ah ee Oxfam, CARE INTERNATIONAL, SOMALI STABILITY FUND (SSF) & EUROPEAN UNION (EU).
Wuxuu Eng. Abdullahi ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee isu soo tagay xilka sanadkii 2017-kii, balse markii danbe ka tanaasulay.




