Xoghaya Difaaca dalka Kenya iyo Taliyaha ciidamada Kenya ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Socdaalka xoghaya difaaca Kenya haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha ciidamada KDF Gen S. Mwathethe ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa inay ciid gaaleedka Christmas-ka la qaataan ciidamada Kenya ka tirsan AMISOM.
Kulamo ay kula qaateen magaalada Kismaayo saraakiisha iyo ciidamada AMISOM ayay ku booriyeen inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, sida ay faadisay AMISOM.
Waa markii ugu horeysay ee Xoghaya Difaaca dalka Kenya socdaal ku timaado Soomaaliya iyadoo si weyn loogu xusuusto murugadii kasoo gaartay ciidamadii Kenya looga dilay dagaalkii Ceelcadde ee Alshabaabku ku qaadeen xeradii milateriga Kenya.
Wadani.com