Xukuumadda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda degdega ah ee lagu soo rogay dalkaasi iyo xilliga ay socon doonto.
Wasiirak Gaashaandhigga Itoobiya Siraj Fegessa ayaa shir jaraa’id ka sheegay magaalada Adis ababa in xaaladda degdega ah ee dalka Itoobiya ay socon doonto muddo lix bilood ah, isla markaana loogu talogalay in looga hortago wixii amni darro iyo qalalaase ah, isagoo meesha ka saaray dalabka mucaaradka ee ah in la dhiso dowlad KMG ah.
Itoobiya oo ah dalka labaad ee Afrika ugu dad badan oo ay ku nool yihiin 102 Milyan oo qof ayaa toddobaadkan xaalad cusub gashay markii uu is casilay ra’iisal wasaarihii dalkaasi Haile Marian Deselegn.
Siraj Fegessa ayaa meesha ka saaray in dalkaasi laga dhisayo dowlad KMG ah, sida ay dalbadeen mucaaradka Itoobiya oo sheegay inaysan waxba iska bedelin xaaladda Itoobiya.