Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hor kacayo o ay kamid yihiin taliyaha ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Cirka iyo saraakiil kale ayaa booqasho ku tagey garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle, halkaas oo fariisin u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, iyagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha xoogga dalka ee halkaas ku sugan. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen Ballidoogle ay ahayd sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidamadda Xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay ciidanka Danab oo ka tirsan xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay halkaas ku qaateen tababar heerkiisu sareeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada difaaca dalka.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamadii kala duwanaa ee uu booqday in ay mar walba dantooda ka horumariyaan mida qaran si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu leeyahay Askarigu. Wuxuna hoosta ka xariiqay Taliska Cusub ee Ciidamadda Xoogga dalku hadda wixii ka danbeeya uu mar walba isha ku hayn doono baahida iyo arrimaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin Ciidanku“.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidamadda Cirka Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood” ayaa xusay in hay’ado gaar ah ay dhismayaal ka wadaan Garoonka Balli-doogle ee Ciidanka Cirka kuwaas oo fasax aan u haysan in ay xarumo ka sameystaan, wuxuna ku baaqay in la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta ciidanka cirka cid walba oo garoonka dhisme sharci darro ah ka wadana sharciga lala tiigsan doono.
Wadani.com