Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa qoraal labaad oo caddeyn ah soo saaray, 24 saac kadib markii uu baxay qoraalkii uu ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneral Odowaa Yuusuf Raage inuu baaritaan ku sameeyo eedeynta loo jeediyey Ra’iisal wasaaraha ee ah inuu ku kacay Dhul boob.
Taliyaha ciidamada Badda ayaa si aan hore loo arag warbaahinta ugu eedeeyay Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta inuu si shaqsi ah u dhisanayo Dhul uu lahaa ciidamada Badda, taasoo dhalisay shaki badan.
Qoraalka labaad ee Wasiirka Gaashaandhiga ayaa lagu yiri: “Waxaan dadwaynaha Soomaaliyeed u cadavnavnaa in Warqadda u soo saaray Wasiirka Gaashaandhiga kuna taariikhaysnayd 22-12-2021 ay ujeedadeedu ahayd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee kasoo baxay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oosi ka baxsan nidaamka iyo Anshaxa ugu gafay Ra’iisulwasaaraha Qaranka”.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray inuu umadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in baaristu ay qusayso oo kaliya Sarkaalkaas shacabkuna la socon doonaan gunaanadka falka uu ku kacay Sarkaalka.
Labada qoraal ee wasiirka ayaa ku kala duwan inay qoraalka hore baahiyeen taageerayaasha Farmaajo, halka qoraalka labaad uu baahiyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha; waxaana arrintan loo fasiray inuu wasiira Gaashaandhigga ka baxay qorshihii Madaxtooyada wadatay.
