Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay magaalada Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, isagoo socdaalkiisu ka mid yahay dadaalka loogu jiro dib heshiisiin dhex marta maamulka Axmed Madoobe iyo Beesha Sade.
Wafdiga wasiirka waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Jubbaland oo uu horkacayo sii-hayaha madaxweyne ku xigeenka C/llaahi Fartaag.
Xubnaha la socda wafdiga wasiirka waxaa ka mid ah xubno si weyn ugu kacsanaa maamulka Axmed Madoobe sida Jen. Cali Madoobe, Cabdi Shire iyo Kaliil Aadan Kaliil.
Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka furay shirka dib u heshiisiinta Beesha Sade oo muddo dheer dib u dhacay, waxaana wasiirka laga filayaa inuu labada dhinac oo muddo dheer kala taagnaa isu soo dhoweeyo.
Wadani.com