Wafdi ay hoggaamineyso Wasiiradda Gaashaandhigga dowladda Talyaaniga Elisabetta Trenta ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wafdiga Wasiiradda Gaashaandhigga Talyaaniga waxaa ka mid ahaa Taliyaha ciidamada Talyaaniga iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda Difaaca dalkaasi, waxayna wadahadal la yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Maxamed Cali iyo saraakiisha ciidamada dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay labada dhinac ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo iskaashiga dhinacyada ciidamada ee ka dhaxeeya, isla markaana ay rajo ka qabaan inuu Talyaanigu kordhiyo taageerada ciidamada Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay ee wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga uu socdaal ku yimaado magaalada Muqdisho muddooyinkii ugu danbeeyay, iyadoo Talyaaniga ka mid yahay dalal taageera ciidamada Soomaaliya.