Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ayaa kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
wareegto ay ku saxiixneyd Wasiiradda ayaa shaki lagu geliyay sharcinimada Rugta Ganacsiga Warshadaha, waxayna Wasiirad Khadra Axmed Ducaale, sheegtay in si KMG ah madax loogu sameynayo Rugta ganacsiga guud iyo tan Gobolka banaadir.
Kuma Cadda wareegtada madaxda KMG ah ee la sameynayo iyo doorka dowladda Federaalka ku yeelan doonto arrintaasi midna, waxaana la sheegay in Wasiirada ay dalka ka dhooftay markii ay go’aankan saxiixday.
Muran badan ayaa ka taagnaa Rugtan oo lacag looga qoondeeyo Miisaaniyadda dalka, waxaana muddo dheer isku heysatay ganacsato u xuub siibatay siyaasad iyo kuwo qaab qabiil u abaabulan.
Wasiirada xilka ku cusub ayaa ku dhex dhacday khilaafkan oo sanado soo jiray, waxaana laga cabsi qabaa inaysan suuragal noqon doorasho kale oo guddigan ka dhex dhacda, xaaladda jirta awgeed.