Waxaa si weyn u qabsaday baraha bulshada dadka Soomaalida adeegsadaan tallaabo ay ku dhaqaaqday Wasiirada haweenka iyo xuquuqda Insaanka Soomaaliya Deeqo Yaasiin Xaaji.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda Insaanka oo ku howlan dhismaha Guddiga Xuquuqda Insaanka ay soo bandhigay Foomamka ay buuxinayaan dadka soo dalbanaya xubinnimada Guddigan oo lagu daray qofka shaqada raba beesha uu kasoo jeedo iyo jufo hoosaadkiisa.
Xaaladan oo ahayd mid aan hore loo arag oo ugub ku ah shaqo bixinta hay’adda dowladda Federaalka ayaa waxaa si weyn u canbaareeyay dad isugu jira shacab, aqoonyayahanno iyo mas’uuliyiin, waxayna qaarkood ku tilmaameen mid dembi qaran ah.
Lama oga cidda ka dambeysay arrintan oo lagu shaaciyay website-ka wasaaradda haweenka iyo meelo kale, waxaase ay ahayd khaladkii ugu weynaa ee ka dhaca wasiirada da’da yar ee wasaaraddan.
Shaqooyinka waaweyn ee dowladda Federaalka ayaa lagu bixiyaa qaab 4.5 ah, waana arrin hadda lagu heysto inay raacdo wasaaradda Arrimaha dibadda oo mooshin ahaan loo geeyay Baarlamaanka, laakiin waxay ahayd arrin si hoose loo xaliyo ee ma ahayn mid la sharciyeeyo.
Waxaa la sugayaa tallaabada ay qaadi doonto xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre, kadib markii fadeexadan ku soo baxday mid ka mida wasiiradiisa.
HOOS KA FIIRI QAABKA FOOMKA WASAARADDA LOO DHIGAY
https://twitter.com/adancabdulle/status/896142481225465857
Wadani