Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Wasiirka Isgaarsiinta Somalia oo Maqaal ka qoray Hirgelinta Sharciga Isgaarsiinta 2 Sano kadib (AKHRISO)

    Wasiirka Isgaarsiinta Somalia oo Maqaal ka qoray Hirgelinta Sharciga Isgaarsiinta 2 Sano kadib (AKHRISO)

    January 29, 2019Updated:January 30, 20198 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa la soo gaaray waqtigii shacabku guran lahaayeen miraha Sharciga Isgaarsiinta (MAQAAL)

    Labo sano ku dhowaad ayaa laga joogaa markii xukuumad iyo wasaarad ahaanba aan xilka la wareegnay, sidoo kale sanad iyo bar ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Marka la eego waqtiga dheer ee sharcigan la sugayay in la ansixiyo waxaan dareemayaa in shacabku dhararayaan waqtiga ay guran doonaan mirahii sharcigan ka dhashay.

    Inkastoo dadka badankiis la socdaan in kheyraadka dalkeena ay yihiin xoolaha, beeraha, iyo badda, haddana kheyraadka hawada isgaarsiinta (spectrum) kama ahmiyad yara kuwaas hore, weliba haddii aan aragti furfuran la nimaadno waxaan gaari karnaa in aan abuurno dhaqaale ku dhisan aqoon iyo macluumaad (information & knowledge economy) oo aan uga qeyb gali karnaa horumarka baaxadda leh ee sida xowliga ah ku socda ee adduunku ka samayeeyey dhinaca tiknolojiyadda iyo Isgaarsiinta.

    Hase yeeshee, inta aynan u gudo-galin hawlaha aynu qabanay iyo kuwa qorsheysan, waxaa habboon inaan idinla wadaago sida ay ahayd xaaladda isgaarsiinta dalka iyo kaalinta ay dawladdu ku lahayd markii aan xilka la wareegeynay, inagoo mar walba ka eegeyna saddexda xagal ee kala ah: shacabka, shirkadaha iyo dawladda.

    XAALADDA JIRTAY

    Duruufo adag ayaa ka jiray suuqa isgaarsiinta dalka, kuwaas oo caqabad ku ahaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso ee seddexda xagalba oo aan si kooban u guud-marayno:

    Shirkadaha: Shirkaduhu ma haysanin nidaam kala ilaaliya hirarka iyo lambarrada ay isticmaalaan, marka laga reebo inay dhexdooda ka heshiiyaan sida ay u qeybsanayaan hirarka. Maadaama shirkaduhu sameysmeen iyada oo uusan sharci jirin, shirkad weliba waxay ku khasbaneyd inay iyadu cabbirato hirka, lambarrada iyo qaabka ay u shaqeynayso, haddii lagu soo xad-gudbana inay waanwaan ka gasho. Maqnaanshaha nidaamka iyo sharciga ayaa waxa uu caqabad ku noqdey horumarinta adeeggyada iyo tartan nadiif ah oo ka hirgela suuqa isgaarsiinta dalka.

    Shacabka: Shacabku waxay ku khasbanaadeen inay sitaan 2 ama 3 taleefoonka gacanta maadaama aysan shirkadaha badankood isku xirneyn dhinaca hadalka & isku diridda lacagaha taleefoonka, ma jirin wax heshiis isticmaal oo ka dhexeeya shirkadaha iyo macaamiishooda taas oo nugleysay ilaalinta xuquuda macaamiisha. Sidoo kale ma jirin cid ilaalisa bedqabka dadweynaha, iyadoo la kontoroolayo qalabka la soo dajinayo, goobaha laga surayo anteenooyinka iyo awoodda shucaaca ay sii deynayaan.

    Dawladda: Tan iyo 2005tii waxaa lagu guuleysan waayey in la ansixiyo sharci kala haga isgaarsiinta dalka , sidoo kale waxa aanan jirin wax xog ah oo wasaaraddu ka haysay shirkadaha isgaarsiinta dalka. Ilaa tobaneeyo shirkadood ayaa sheegatay inay haystaan diiwaangelin, hirar iyo lambarro, iyadoo Wasaaradda aysan oolin xitaa hal nuqul oo rasmi ah oo shirkadahaas laga reebay, dhinaca kale dakhliga dawladda ka soo gali jiray shirkadaha wuxuu ahaa mid aad u yar oo aan ku saleysneyn halbeeg la isla ogyahay.

    GOGOL-XAAR

    Haddaba, markii aan la kulanay caqabadahan iyo kuwo kale oo ka badan, balse u badnaa duruufo la xallin karay, waxaan goosanay inaan xoogga saarno tallaabooyin gogol-xaar u noqon kara yoolka ugu dambeeya ee aan leenahay, waayo haddii aan ka billowno xal degdeg ah (quick fix) oo aan niraahno shirkadaha ha isa soo diiwaangeliyaan, lacagtaasna ha bixiyaan, ama degdeg ha iskugu xirmaan ma jireyso faa’iido mustaqbalka fog ay shacabku ka heli doonaan. Haddaba, waxaan hawlaheena u kala horreysiinay sidan:

    1. Sharciga Isgaarsiinta: Haddii uusan jirin Sharci iyo nidaam kala haga waajibaadka iyo xuquuqaha, ma jirto hab loo hirgelin karo tallaaboyin lagu nidaaminayo suuqa isgaarsiinta, hannaan lagu hargelin karo daryeelka xuquuqda isticmaalayaasha adeegyada shirkaddaha iyo jaangoynta dakhliga looga baahan yahay in laga qaado shirkad weliba. Waxaan beddelnay qaabkii loo mari jiray ansixinta sharciga, inagoo xoogga saarnay in la soo koobo qodobada la isku maandhaafsanaa, kadibna wada-xaajood ka galnay, iyadoo sharciga la ansixiyay iyadoo lagu wada qanacsan yahay dawlad ahaan iyo shirkadahaba.

    2. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka: Sharciga Isgaarsiintu waxa uu u baahan yahay hay’ad fulisa oo nidaam ahaan u dhisan (institution). Dhammaan dalalka ay ka shaqeeyaan isgaarsiin gaar loo leeyahay waxay leeyihiin hay’ado noocan oo kale ah.

    Nasiib wanaag dalkeenu maanta wuxa uu leeyahay sharci isgaarsiin iyo hay’ad isgaarsiineed oo suuqa inoo nidaamisa. Haddaba waxaan markan aan u soo jeesaneynaa in, iyadoo sharciga la raacayo, shirkadaha ka ganacsada suuqan oo isugu jira isgaarsiin iyo internet, ay bixiyaan xuquuqda ay dawladdu iyo shacabku ugu leeyihiin kheyraadka hawada ee ay adeegsadaan, iyadoo dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka caawiso dhinaca horumarinta iyo nidaaminta, kala-xadeynta adeegyada, bixinta rukhsadaha iyo diyaarinta xeer-nidaamiyayaashii ay ku howlgeli lahaayeen ama ku soo jiidan lahaayeen maalgelin iyo taageero farsamo.

    Labadii sano ee la soo dhaafay waxa aan ku howlaneyn dhismaha aasaaskii sharciyeed ee hawlahan lagu qaban lahaa, iyadoo shirkaduhuna ay sii wadeen inay si duuduub ah u bixiyaan canshuuraha. Waxaase xusid mudan, oo aan uga mahadcelinayaa shirkadaha, in dakhligii ay dawladdu ka heli jirtay shirkadaha uu kordhay 3 jibbaar sanadihii 2017-2018, marka la barbardhigo sanadkii 2016 iyo wixii ka horreeyay taas oo ku timid wadahadal iyo garowshiyo labada dhinacba ah, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay in Wasaaraddeena maaliyaddu ku guuleysato bartilmaameedyadii ay ku heshiiyeen IMF.

    Mar haddii la dhisay aasaaskii waxaa la soo gaaray waqtigii shacabka Soomaaliyeed guran lahaayeen mirihii ka dhashay sharciga. Waxaana ugu soo horreyn doona oo aad inagula xisaabtami doontaan haddii Eebbe idmo:

    1. In shirkaduhu isku xirmaan (interconnection) maadaama ay tahay arrin waajib ah sida uu dhigayo sharciga isgaarsiinta. Waxaa shirkadaha waqti loo siinayaa inay ka heshiiyaan qiimaha iyo adeegyada iyo habka isku-xiranka, iyadoo haddii ay heshiin waayaan ay soo dhex geli doonto dawladda si waafaqsan Xeerka Isgaarsiinta dalka.
    2. Dawladda Soomaaliyeed waxay qorsheyneysaa inay aad sare ugu qaado dakhliga ka soo gala adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyada
    3. In la helo daryeel sugan oo ay helaan macaamiisha iyo isticmaalayaasha adeegyada isgaarsiinta dalka iyo hannaan lagu xalliyo cabashooyinka macaamiisha.

    NOOCYADA CANSHUURAHA IYO KHIDMOOYINKA

    Sidaan hore u soo sheegnay shirkadaha isgaarsiintu waxay bixin jireen lacag duuduub ah oo aan caddaalad u ahayn dawladda, shacabka iyo shirkadahaba maadaama aysan ku dhisneyn halbeeg la wada ogyahay.

    Noocyada Canshuuraha iyo khidmadaha caadiyan la qaado:

    • Rukhsadda lagu shaqeeyo (License to operate) oo billowga ah. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa laga doonayaa inay qaataan rukhsad maadaama wixii hadda ka horreeyay uusan jirin sharci. Rukhsadda ay qaadanayaan shirkadihii hore u jiray waxay aad uga jabnaan doontaa midda ay bixin doonaan shirkadaha cusub, sida uu dhigayo Sharciga Isgaarsiinta.

    • Rukhsad Sanadle ah (annual license fee)

    • Khidmadda Isticmaalka Hirarka (spectrum fees)

    • Khidmadda Isticmaalka Lambarka (Numbering fees) oo laga bixinayo lambar kasta oo taleefoon.

    • Khidmadda la saaro lacagaha taleefoonnada la isugu gudbiyo (mobile money)

    • Canshuurta la saaro hadalka (VAT)

    • Qaaraanka Sanduuqa Baahinta Isgaarsiinta (Universal Service Fees) oo ah khidmad shirkadaha laga qaado si adeegga isgaarsiinta iyo internetka loogu horumariyo

    • Khidmadda Keenista Qalabka (Type Approval fees)

    • Khidmadaha la saaro wicitaannada caalamiga ah ee dalka soo gala (Incoming international traffic fees)

    • Khidmadaha horumarinta iyo cilmi-baarisyada qeybaha isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (Fees for R&D)

    Khidmadahan iyo canshuuraha oo nagala dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda hal mar ma wada billaaban doonaan ee waxaa loo kala hormarin doonaa sida ay u kala muhiimsan yihiin ee suurtogalka ah, iyadoo loo sameynayo nidaam daah-furan oo lacagaha loogu shubayo Khasnadda Dawladda ee Bankiga Dhexe oo waafaqsan qorshaha hal khasnad ee xukuumadda iyo nidaamka canshuuraha dalka. Balse waxaa lama huraan ah in ay hirgelaan dhammaan noocyada kala duwan ee canshuurahani ka hor dhamaadka sannadkan 2019, loona diyaariyo hab-raacyadii iyo ansixinnada lagama-maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin.

    WADAR FAA’IIDO

    Qorshaha noocan ah oo Wasaaraddu la wadaagtay xafiisyada ugu sarreeya dalka, isla markaana u soo bandhigtay shirkadaha tan iyo bishii Agoosto 2018, waxaa looga gol leeyahay inuu noqdo wax ay ka wada faa’iidaan seddexda xagalba (win-win).

    Shirkadaha: waxa ay bixin doonaan xuquuqda uu dalku ku leeyahay maadaama ay adeegsanayaan kheyraadka hawada oo uu Soomaali kasta wax ku leeyahay. Waxaa xusid mudan in shirkaduhu ka faa’iidayaan nidaamka cusub maadaama ay heli doonaan dakhli aan haddaba soo galin, iyo addeeg kale oo sare u qaadi doona tayada adeegyada ay bixiyaan, shirkaduhu marka ay bixiyaan xuquuqdooda waxa ay helayaan dammaanad-qaad la xiriira rukhsaddaha iyo hirarka ay isticmaalaan, taas oo qiimaha shirkadahooda wax weyn ku kordhin doonta.

    Dawladda: Dakhliga Dawladda ka soo gala isgaarsiinta waxa uu qeyb weyn ka noqon doonaa miisaaniyadda dawladda, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ahna ummadda loogu beddelayo waxbarasho, caafimaad, jidad iyo baahinta isgaarsiinta iyo internetka si ay u kabaan dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale la marsiin doonaa nidaamka lagu qeybsado kheyraadka si dawlad-goboleedyaduna uga helaan xuquuqda ay arrintaan ku leeyihiin, iyadoo arrintaasi ay Wasaaraddu uga dambeyn doonto hay’adaha shaqada ku leh.

    Shacabka: Shacabku waxay helayaan isgaarsiin isku furan oo ay ku kala dooran karaan adeegyadooda, waxayna helayaan daryeel sugan oo la xiriira xuquuqdooda isticmaal. Waxa ayna sidoo kale helayaan in canshuurta iyo khidmado ku filan laga soo xareeyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ka mid ahna dib loogu celinayo isla isgaarsiinta si loo dhiso kaabayaasha oo faa’iidadeeda u dareemi karo muwaadin kasta.

    Waxaan ku faraxsanahay in sanadkan la soo gaaray waqtigii laga wada faa’iideysan lahaa mirihii ka dhashay sharciga isgaarsiinta. Faa’iidooyinkaas aan soo sheegnay ee dhinac kasta ka faa’iidayo waxaa la gaari karaa marka laga wada shaqeeyo horumarka dalkan.

    Ugu dambeyntii, Waxa aan u macadcelinayaa dhammaan madaxda sare ee qaranka, labada aqal ee baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, guud ahaan howl-wadeennada Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada iyo dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo wada-shaqeyntooda kooxeed la’aanteed aysan inoo suurto-geli lahayn in aan hergelino howshan. Dhammaanteen waxaan qeyb ka noqon doonaa taariikhda habeynta iyo horumarinta isgaarsiinta dalka.

    W/Q: Eng. Cabdi Cashur Xasan – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Soomaaliya.

    Wasiir Canshuur Wasiirka Isgaarsiinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Uganda
    Next Article Injineero Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo