Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa uga digtay shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo cidkasta oo ay quseyso inay isticmaalaan fure aan ahayn kan qarankaee 252.
Wasaaradda ayaa sheegay inay ciddii isku dayda arrintaai ay la kulmi karaan tallaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid noqon karto kala noqoshada ruqsada Adeegga. Qoraal uu soo saaray wasiirka wasaaradda isgaarsiinta Axmed Canshuur ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay gacanta ku heysto Qorshe dib u habayn lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka.
“Iyadoo ay muhiim tahay in la ogaado in aysan suurtogel ahayn in uu ka shaqeeyo dalkan fure aan ahayn 252. Waxaana uga digeynaa dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo cidkasta oo ay quseyso in ay haddii ay isku dayaan isticmaalka fure aan ahayn 252 ay la kulmi karaan talaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid noqon karto kala noqoshada ruqsada Adeegga..” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka oo jawaab u ahaa war kasoo baxay Somaliland.
Wasiirka cusub ee Boostada iyo isgaarsiinta Somaliland C/Wali C/llahi Suufi ayaa dhowaan shaaciyay inuu ku dadaal ugu jiro sidii Somaliland u heli lahayd fure isgaarsiineed u gaara oo aan ahayn furaha Somalia ee 252.